4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2018
Waddo burburtay oo ay ku dhinteen 18 ruux

 

Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – Inta la ogyahay 18 ruux ayaa ku dhimatay dad kale oo baddana waa ay hoos xanniban-yihiin kaddib markii ay waddo dhulka ka sarraysa ku duntay magaalada Varanasi ee dalka Hindiya.

Waddada duntay ayaa la sheegay in uu dhisme ku socday markii ay qayb ka mid ah duntay, waxaana furnayd oo gawaaridu adeegsanayeen waddo kale oo hoos marta.

Shaqaale ka socda gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la helay 18 ruux oo mayd ah.

Waxaa socda gurmad lagu baadigoobayo dadka wali la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan gawaarida, balse tiradooda iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ayaan wali war laga haynin.

Sawirro iyo muuqaallo laga qaaday dhacdadan ayaa muujinaya gawaari iyo bas ku hoos xaniban burburka oo ay dad ku jiraan.

Warbaahinta gudahu waxay ku warramaysaa in tiro dad ah la badbaadiyay iyaga oo badqaba, iyadoo toddobo wiish ay daabuleen qaar ka mid ah shubabkii soo dumay. Dad badan ayaa sidoo kale isugu soo arruuray goobtaas.

Qaar ka mid ah goob joogeyaasha ayaa saxafiyiinta u sheegay in ay ka ag dhawaayeen marka ay waddadu dumaysay, "ugu yaraan afar gaari, hal bajaaj iyo bas yar ayay waddadu ku duntay" ayay dhaheen.

BBC