4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2018
Muslimiinta Maraykanka oo Qaarkood ay Maanta Soomayaan Bisha Ramadaan & Bishii oo la arkay Xili danbe
Arbaco May 16 2018 (HOL) Muslimiinta dagan Maraykanka ayaa sanadkaan wajahaya in la kala soomo bisha Ramadaan iyadoo aduun waynaha islaamku laga sheegey in bisha ay bilaaban doonto Khamiista ayaa xalay fiidnimadii danbe ku dhawaad 11:00 Fiidnimo xiliga Minnesota Culumodiin dagan Magaaladda Sandiega ay sheegeen in ay arkeen dhalashada bisha Ramadaan.

Waxii ka danbeeyey xiligaas bogagga bulshada qaasatan Facebooga waxaa lagu soo bandhigay muuqaalo ay iska soo duubeen Wadaado caan ka ah dalkaan sida Imaamka Masjid Abuubakar Sh. Cabdirisaaq Xaashi  oo Minnesota Dagan & Sh Axmed Nuur oo Seattle Washington dagan waxayna sheegeen in bari ay Soon tahay , lakiin waxaa la ii sheegay in uu ugu horeen baahiyey Sh Waliid al Manazee Imaamka Masjid Darul Faruuq Minnesota isagoo xiriir la sameeyay Sandiego California oo ah magaaladdii laga arkay iyo Shiikhii Masaajidka magaaladaas.

Isla xalay waxaan soo arkay xiligaas dadwayne fara badan oo Saxuur u soo doontay maqaayadaha xiliga danbe furan ee ku yaal xaafadaha ay soomaalidu u badan yihiin.

Waxaase jira dad badan oon iyagu ka war hayn wararka soo kordhay kuwaas oo iyagu xiligaas ku jiray hurdo maadaama uu warkaan soo baxay salaadii cishe 40 daqiiiqo kadib, waxayna bari ku waabariisanayaan axsaabtoodii oo Sooman iyo iyagoo war ba ka hayn isbadlka xalay soo kordhay.

Siyad Said Salah
Hiiraan Online
Minneapolis MN