4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2018
Goobaha laga cunteeyo oo la mamnuucay inta lagu guda jiro bisha Ramadaan

 

Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay in maqaayadaha la furo oo cunto lagu kariyo maalinkii oo dadka ay sooman yihiin, inta lagu guda bisha Ramadaan.

Dowladdaha Muslimka ayaa ayaa xalay fiidkii soo geba gebeeyay raadinta bilashada bisha Ramadaan, waxayna sheegeen in maanta oo Arbaco ah ay tahay 30-ka Shacbaan, sidoo kale wadamadan isku raaceen in maalinta Khamiista ah tahay  maalinta Koowaad ee bisha Ramadaan.

Xog-hayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Khayroow Xasan ayaa Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka ka jira ka codsaday in ay talaabo ka qaadaan soona qabtaan dadka cuntada u kariya kuwa aan soomin bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Waxaan ka digeynaa in iyadoo Ramadaan ah maqaayadaha maalinkii la furo laguna kariyo cunto, waxaan maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka jira ka codsaneynaa in ay la xisaabtamaan dadka falalkaas geysta, way shaqeysan karaan maqaayadaha afurka ilaa saxuurta.” ayuu yiri Xog-haye Kheyrow.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Khayrow Xasan Xoghayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday in ay ka hortagaan waxyaabaha maanka dooriya ee dalka la soo geliyo sida Qamriga iyo wixii la mid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]