4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2018
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka Tuka-Raq

 

Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – War qoraal ah oo ka soo baxay wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobey Michael Keating ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalka deegaanka Tuka-Raq ee gobolka Sool.

Dagaal culus oo ciidamo kala taabsan Somaliland iyo Puntland ku dhaxmaray deegaankaas ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dadka ka badan 30 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaalamay sida Hiiraan Online u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

''Waxaan ku boorineynaa labada maamul in ay wada hadal yeeshaan, ayna muhiim tahay in ay gaaraan heshiis xabad joojin iyo mid siyaasadeed, ka Hay’ad ahaan mar walba waxaan taageernaa nabadda, colaada waxaa ka dhasha in la waayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.” ayuu yiri Micheal Keating.

Keating ayaa dhawaan booqasho uu ku tagay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa waxaa uu madaxda labada dhinac kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa colaada deegaanka Tuka-Raq, hasse ahaatee dagaalka shalay ka dhacay deegaankaas ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee waayadii ugu danbeeyay dhaxmara labada dhinac.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaciisa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka gobolka Sool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]