Talaado, May, 15, 2018 (HOL) - Dagaal xoogan oo illaa saakay ka
soconayey dulleedka Tukaraq ayaa haatan qaboobey waloow ay jiraan rasaas
maqalkeeda degaanada ugu dhow laga maqlayo.
Dagaalkan oo ah kii ugu cuslaa ee
laba ciidan dhexmara ayaa khasaare xoogan uu soo gaadhey labada dhinac iyadoo
dhimashada ciidanku ay aad u badan tahay, dhaawacuna uu ka muuqdo goobaha
caafimaad ee labada dhinac.
Maamulka Puntland war saxaafadeed ka
soo baxay madaxtooyada ayaa waxa ay ku sheegeen in maamulka Somaliland
duulaanka ku soo qaaday, halka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu
sidoo kale ku eedeeyey in Puntland ku soo duushey guulna ay ka soo hooyeen
ciidamadoodu.
Ma jiraan dad dhexdhexaad ah oo ku
sugan halka dagaalku ka dhacayo, waxase qasaaraha labada dhinac la sheegayaa in
uu yahay mid aad u badan, iyadoo gaadiid la kala qabsaday qaarna la gubey
labada dhinacba.
Dhinaca Puntland waxa ay sheegteen
in ay qabsadeen sadex gaadhi oo mid ka mid ah uu Beebee yahay, waxaase dad ku
sugan tuulada God-qaboobe ay ii sheegeen in ay arkeen Beebeega xili hore oo
maanta ah.
Dhinaca Somaliland waxa ay sheegteen
4 gaadhi oo kuwa dagaalka ah oo Kaare ku jiro walow ay Kaaraha beeniyeen
dhinaca Puntland, dad reerguuraa ah waxa sheegeen in xili ay meeshaas ka cararayeen
ay arkayeen Kaare ku jira meel god ah dagaal culusina ka socdey cid uu raacayna
inaanay xaqiijin karin ayay sheegeen.
Dagaalka Tukaraq ayaa u muuqda mid
haatan bilaabmay iyadoo awooda ciidan ee halkaas isku horfadhida ay tahay mid
aan labada dhinac waxba reeban keeni karana baaba ka soo kabashadiisu adkaan
doonto.
Wixii ka soo kordha dib ayaan
idinkala soo socodsiin doonaa iyadoo wararku ay sheegayaan in dagaalku uu ku
soo ururay magaalada Tukaraq iyo hareereheeda.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood g. Sool
[email protected]