4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2018
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay Tuka Raq

 

Talaado, May, 15, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ka hadlay dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Tuko-raq, waxaanu ku eedeeyey Soomaaliya inay dagaalkaasi ku soo qaaday,isla markaana ay iska difaaceen.

Madaxweynaha ayaa sidaas ka sheegay khudbadii maanta ee xuska 18 May ee magaaladda Hargeysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay dagaalkaasi ka dhacay oo uu sheegay inay ku wiiqeen xoogagii soo weeraray.

“Shacabka Somaliland meelkasta oo ay joogaan waxaan u sheegayaa oo aan ku wargalinayaa in dawlada Soomaaliya ku soo qaaday ciidamadankeena Militariga ee Jiidda hore dagaal, ciidamadeena waxay guulo ka gaadheen jihooyinkii laga soo weeraray oo ay jabiyeen difaacii ciidankii soo weeray oo ay hubna ka furteen.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo maanta ka hadlayey dagaalkaasi.

Waxaanu intaas ku daray “Caalamkana waxaanu u sheegayna in saddexdii bilood ee u dambeeyey ay shan iyo labaatan jeer na soo weerareen oo ay ku soo rideen rasaas ciidanka, iyagoo lixdan KM gudaha Somaliland usoo galay oo ay xadkoodii ka soo gudbeen, intaas oo dhan nabad baanu u taagnayn oo aanu iska ilaalinayna in dagaal dhaco, Waxa aanu u sheegaynaa ragga nasoo weeraray inaanu u dhigi doono casharkii aanu u dhignay Af-weyne iyo kuwa ay wax moodayaan ee Moorgan Gaanni kuwii ay soo qaadeen, waxa aanu u sheegaynaa inay nasoo xasuusiyeen dagaalladii soddon sano ka hor dalka ka dhacayey iyo wixii lasoo maray.” 

Madaxweynuhu ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo la sheegay inuu ahaa mid balaadhan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dhinaca kale, waxa ciidamada Somaliland qaybihiis kala duwan saaka gaardis ku mareen madaxweynaha hortiisa, waxaana si balaadhan looga xusay 27 guuradii ka soo wareegtay madax banaanida Somaliland, Waxaanu madaxweynuhu ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanyasa.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka haysta Somaliland oo uu sheegay inay ugu horeyso qabyaalad iyo qaad, waxaanu ka hadlay dagaaladda ka dhacay Sanaag, waxaanu yidhi “waxa aad dhammaantiin ila dareensan tihiin in Qabyaaladda, Qaadka, Colaadaha beelaysan ee soo noq-noqday iyo is-aaminaad la’aanta shacabka ee meelaha qaarkood ka jirtaa ay tahay dhibaato xoog badan oo dalkeena hortaala, mustaqbalkiisana culays ku haysa.

Colaadsa ka aloosan Gobolka Sanaag, waxa aan u arkaa nasiib daro, waa dhiig ku daadanaya xaq daro, Dawladda waxa ka go’an inay ka qaaddo tallaabo dawladnimo oo ay soo xidh-xidho oo gacnata kusoo dhigto qof kasta oo nabad-diid ah. Waxaad og tihiin in Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo odayaashii Guurtidu ay bil fadhiyeen deegaankaas, waxana Ilaahay mahaddii ah in dhawaad konton qof oo hubaysan inay ciidanku hubkii ka dhigeen, una gudbiyeen Boorama, kuwa lasoo wadona waxa aanu u gudbin doonnaa Saylac, Inanta, inanka, taajirka iyo ku kasta oo dagaalkaas ka qayb qaata oo fidno-wade ah, gacan dawladeed baanu ku qabanaynaa, waana naga go’aan oo waanu isku raacsannahay. Dhammaanba waxgaradka Sanaag waxa aan ugu baaqayaa inay ka hawlgalaan daminta colaadda ay wax ma-garatada iyo dadka fidno-wadeyaasha ahi abuurayaan, waxa aan si gaar ahaan waxa aan si gaar ah baaq ugu jeedinayaa maayarka Ceerigaabo iyo odayaasheedu inay ka hawlgalaan waxyaabaha ilaa shalay ka dhacaya, waana arrin naxdin leh in magaalo weyn oo Ceerigaabo oo kale ah in wiilal yaryari qoryo la soo galaan oo dad xabbado ku dhuftaan.”

Waxaanu intaas ku daray “Walaalayaal, waxa aan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Somaliland in ay midoobaan, in ay is-aaminaan, in ay iskaashadaan. Waxa aynu ku weyno iskaashi iyo walaalnimo, lagu heli maayo kalifaad iyo jujuub.”,

Sidoo kale, Goboladda iyo magaaloooyinka waaweyn ayaa  si weyn looga xusay dagaaldega 18 May oo loo soo raray 15 May.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.