4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
BECO oo qiimo dhismis ku sameysay adeeggeedii Korontada

 

Isniin, May. 14, 2018 (HOL) – Shirkadda BECO ayaa shaacisay in ay qiimo dhismis ku sameysay adeegeedii Korontada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Shirka jaraaid waxaa ka hadley madaxa howlgelinta shirkada BECO Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xalane waxaa uu ku dheeraadey heerarkii qiimo dhimis ee ay shirkada soo martay tan iyo markii shirkada ay midowdey si ay macaameesheeda u dareemaan adeega ay bixiso shirkada BECO.

“Wixii Maanta ka dambeeya Shirkada waxaa ay qiimo dhimis ku sameysey adeegii Korontada oo ay gaarsiisey 0.48% kaasoo markii hore uu ahaa 0.55% , ujeedkuna waa sidii macaamiisha Shirkada ee isticmaala Koronto Badan loogu daneyn lahaa” sidaa waxaa yiri madaxa howlgelinta ee Shirkada BECO oo sheegey in qiimahaas uusan noqon doonin mid halkaas taagnaada  ayuu sii raaciyey.

"Qiimo Dhimista waxaa loo sameeyey sidii ay fursad ku heli lahaayeen warshadaha yar yar si loo dhiirageliyo in dalka la maalgashado “ Waxaa uu sheegey Cabdirisaaq in qiima dhimsta shirkada ay ka soo bilaabantey meel aad u fog taasoo aan dooneyno in shacabka Soomaaliyeed helaan koronta raqiis ah.

Mas'uuliyiinta shirkadda ayaa ugu danbeyntii sheegay qiimo dhismistan ay ku soo beegeen bisha Ramadaan si looga faa'ideysto.