Isniin, May, 14, 2018 (HOL) - Dowladd Mareykanka
ayaa si rasmi ah safaaraddeda uga soo rartay magaalada Tel Aviv, una guurisay
magaalada Qudus maanta, in kasta oo 37 Falastiiniyiin ah lagu dilay, boqolaal
kalena lagu dhaawacay rabshado ka dhacay xadka Gaza.
Meel wax ka yar 100 KM u jirta halka ay
rabshadaha ka dhaceen, saraakiisha Mareykanka iyo kuwa Israel ayaa isugu soo
ururay magaalada Qudus, halkaasi oo safaaradda si rasmi ah looga furay.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa iska
dhego tiray dareenka dowlado badan oo dunida ah bishii December, markii uu ku
dhawaaqay inuu safaaradda Mareykanka u rarayo magaalada Qudus.
Wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner,
oo ah la-taliye ka tirsan Aqalka Cad ayaa ka mid aaah wufuudda Mareykanka ee ka
qeyb galay munaasabdda furitaanka.
“Ayada oo madaxweynayaashii ka horreeyey Trump ay
ka laabteen ballanqaadyadoodii ahaa inay safaaradda Mareykanka u rarayaan
Jerusalem, madaxweynaha wuu ka dhabeeyey ballanqaadkiisa, sababtoo ah marka
madaxweyne Trump uu ballanqaad sameeyo wuu ka dhabeyaa” ayuu yiri Kushner.
Hadal muuqaal ahaan looga baahiyey furitaanka
safaaradda, ayuu Trump ku sheegay in safaarad Mareykan oo ku taalla Jerusalem
ay ahayd wax muddo fog soo socday, islamarkaana Jerusalem ay tahay caasimadda
Israel.
VOA