May, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Doxa
ayaa kulan la yeeshay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.
Kulanka madaxweynaha iyo Amiirka ayaal ooga wada hadlay xiriirka labada dal ka dhaxeeya,
iyadoo dowladda Qatar balan qaadya inay sii wadi doono taageerida Soomaaliya.
“Xiriirka
aan la leenahay Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Soomaaliya waa xidhiidhka
walaaltinimo iyo ixtiraam udhaxeeya, iyo wadahadalkayga aniga iyo walaalkeeyga
Maxamed Cabdullaahi Faramago waxa uu xaqiijiyay macnahan kuwaas oo diirada
saaraya siyaabaha loo wanaajinayo iskaashiga ka dhexeeya labada dal”ayuu yiri
Amiirka Qatar.
Waxaa uu sheegay in Qatar ay sii wadi
doontotaageeridda midnimada Soomaaliya, xasiloonida, madaxbanaanida iyo
wanaagga dadkeeda.
Booqashada madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar oo
noqoneysa tii labaad ee uu tago dalkaas ayaa imaneysa xili uu taagan yahay wali
khilaaf u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka oo markiisii horeba ka soo
bilaawday khilaafka soo kala dhaxgalay wadamada Khaliijka oo ay dowladda
Soomaaliya ka qaatay go’aan dhaxdhaxaadnimo ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]