4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Xiisado ka jira deegaannada Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn oo Gobolka Sanaag

 

Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Mudaharaad balaadhan oo xidhay inta badan wadooyinka magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, kaas oo ka danbeeyey kadib markii warkeeda la soo gaadhsiiyey Sarkaal ciidanka Somaliland ka tirsanaa oo gaadiid iyo ciidan la goostay in lagu weeraray duleedka Ceel-afweyn.

Mudaharaadkan ayaa geystey dhimasho iyo dhaawac sida ay dad badan HOL u sheegeen in ciidanka Booliska oo kaashanaya ciidanka Milateriga ay rasaas isku dayeen in ay ku kala dareeriyaan.

Mudaharaadkan ayaa hada Istaagey inkasta oo ay weli wadooyinka qaar xidhan yihiin oo dhagxaan iyo gubad taayiro ah ay sii yaalaan hadana waxaa jira kacdoono markale soo bilaabmi kara,

"Rabshadan waxaa bilaabay beesha sarkaalkaasi ka soo jeedo oo lagu Naanayso Caarre, hadase waxaa ku soo biiray dhalinyaro beelo kaladuwan ka soo jeeda" sidaa waxaa noo sheegay Cali Salaad oo aan la xidhiidhnay waxaanu intaas ku daray in halqof ku dhintay dad badana ay dhaawac yihiin.

Dhinaca kale Magaalada Ceel-Afweyn ayaa la jaray isgaadhsiinteeda waxaana la sheegayaa in dagaal dhexmaray ciidamo Somaliland ah iyo Sarkaalkaas ka soo horjeestey ilaa hadana lama hayo waxyeelada dhabta ah ee ka jirta halkaas

Wixii ka soo kordha dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood