Isniin, May, 14 2018 (HOL) – Madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi ayaa ka
hadlay sababta dabaaldega 18 may looogu soo raray 15-ka May iyo Guud
ahaan taariikhda Somaliland soo martay, waxaanu shacabka ku hambalyey
27 guuradda ka soo wareegtay madax banaanidda Somaliland.
Sidoo kale, waxa uu fariin u direy dawladda Soomaaliya oo uu sheegay
in hadii midnimadii socon wayday la isku tixgaliyo in la ahaado laba
dawladood oo siman.
Mar uu ka hadlayey arrinta khilaafka keentay ee dabaaldegii 18 May
loogu soo raray 15 May waxa uu yidhi “ sababta 15-ka bisha May loogu
soo raray in la dabaaldego, waxay 18-ka May ku beegan tahay waa Jimce,
waana Ramadaan, sidaad darteed mar haddii kollayba ay Jimce tahay oo
la rari lahaa, waxaanu go’aaminnay inaanu debbaal-degga 15 May ka
dhigno ayaanu go’aaminnay. 18-kuna waa ciiddeedii oo waa halkeedii,
fasaxeediina way ahaanaysaa, wixii duco iyo Allah bari ahna waynu
qabsan. doonnaa,”
Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday
horumarka ay Somaliland gaadhay mudda 27-ka sano ah ee ay jirtey,
isaga shacabkana ku bogaadiyey guulaha ay gadh-wadeenka ka yihiin ee
dalku ku tallaabsaday, waxanu yidhi “Dhammaanba bulshada reer
Somaliland, gudo iyo dibadba meel ay joogtoba waxan ku hambalyeynayaa
27-guurada kasoo wareegtay lasoo noqoshada xorriyadii Somaliland oo ku
beegnayd 18-5-1991-kii, Burco-na lagaga dhawaaqay, Somaliland-na
27-sannadood bay jirtey,Ilaahay baa mahadle, way kortay, way
xoogaysatay, way adkaatay, wayna muruqaysay dhinac walba, xagga
bisaylka siyaasadda, horumarka dhaqaalaha, caafimaadka iyo
waxbarashadaba in badan bay hano qaadday, wax badanina waa u qabyo,
adduunyaduna waa tiro Sagaal ah oo ma Tobnawdo, mar walbana wax baa
dhiman, Bani’aadamkuna waxa uu u nool yahay inuu qabyadaas uun gufeeyo
oo kab-kabo, markaa innagu in badan baynu qabsannay, in badanina way
inoo hadhay, insha Allah-na tacabkana weynu wadi doonnaa, dadkeena oo
isjeclaada iyo barwaaqo aynu gaadhno ayaan Ilaahay ka rajaynayaa.”
Sidoo kale, waxa uu fariin u direy Soomaaliya, waxaanu yidhi“Nimanka
Soomaaliyeed ee aanu wax wada lahayn ee Muqdisho looga taliyona waxanu
ugu baaqaynaa walaaltinimo, wada-noolaansho, is-qaddarin iyo
is-xurmayn laba dawladood oo walaalo ah,”
Maalinta Barri bishu tahay 15 May ayaa dhamaan gobolada oo dhan laga
xusi doonaa 18 May, waxaana saddex cisho hore loogu soo raray
maalintii la xusi lahaa ayaa ku beegan maalin soon ah, sidaas darteed
ayey xukuumaddu go’aansatay in 15 May la xuso, inkastoo ay ku gacan
saydheen xisbiga WADDANI oo isagu sheegay inuu u dabaaldegi doono 18
May oo ah maalinteeddii.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.