4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Wararkii ugu danbeeyay shirka madaxda dowlad gobolleedyada ee ka socda Baydhabo

 

Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka soconaya shir halkaa maanta uga furmay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Soomaaliya.

Kulanka ugu horeyn waxaa furay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in furitaanka shirka uu bilowgiisa hore yahay khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana kaddib la guda geli doonaa shirar gaar oo albaabada u xiran yahay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in guddiyo farsamo oo ka kala socda dowlad gobolleedayda xiligan u fadhiyaan diyaarinta war murtiyeedka laga soo saarayo shirka iyo qodobada ay sida gaarka ah u taabanayaan.

Shirka ayaa imanay xili uu jiro khilaaf mar kale ka dhax oogan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada ku shirsan Baydhabo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]