4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay magaalada Doxa ee dalka Qatar

 

Isniin, May, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas  ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadaneysa labo cisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dooxa ku soo dhaweeyay Wasiirka Gadiidka iyo Isgaarsiinta dowladda Qatar Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, ku simaha safiirka Soomaaliya ee Qatar Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Qatar waxaa uu la kulmi doonaa amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggooda ah.

Booqashada madaxweyne Farmaajo ayaa imaneysa xili uu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Imaaraadka Carabta, kaa oo ka dhashay go'aanka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]