4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo daah furay Barnaamijka Dariseynta Gobolka Banaadir

 

Sabti, May, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta booqday degmada Waaberi halkaas oo ay ka socotay dardargelinta hawlaha dariseynta gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa halkaasi ku daah furay barnaamijka dariseynta oo door-weyn ka ah sugida amniga Muqdisho iyo daadajinta adeegyada kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha dalka ayaa kula dardaarmay Shacabka degmada Waaberi in ay nabadda ilaashadaan, kalana shaqeeyaana laamaha amniga iyo maamulka gobolka sidii loo sugi lahaa Amniga, loona baahin lahaa adeegyada bulshada ee ay shacabka degmadu doonayaan.

Munaasabadda lagu daah furayay Barnaamijkan dariseynta waxaa joogay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]