Sabti, May, 12, 2018 (HOL)– Wararka naga soo
gaaraya magaalada Qabri-Dahare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya
in halkaa ay ka jirto xiisad ka dhalatay gabar 20 sano jir ah oo meydkeeda la
helay.
Taysiir Cumar Maxamed oo ah gabadha meydkeeda la
helay ayaa la sheegay in markii hore ay qabteen ciidamada maamulka halkaa ka
jira, kuwaa oo markii danbe eheledeeda ku wargaliyay in gabadhoodii is dishay.
Waxaa la sheegay in xalay meydka gabadhan la la
dhigay isbitaalka ciidamada ee ku yaala isla magaalada Qabri-Dahare, islamarkaana la baaritaan kaddib sida ay
eheladu sheegeen ogaadeen in la dilay oo aysan iyadu gacanteeda isku dilin.
Maxamed Xiis oo adeer u ah gabadha ayaa sheegay
la dilay, isaga oo beeniyay wararka sheegaya in ay iyadu is dishay.
Maamulka dowlad deegaanka Itoobiya wali iyagu wax
war ah kama aysan soo saarin arinta ku saabsan muran iyo xiisada ka dhalatay
geerida Taysiir oo markii nolal ugu danbeysay ku jirtay gacanta ciidamada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]