4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2018
Mareykanka oo baaritaan ku sameynaya weerarkii dhawaan ka dhacay Bariirre

 

Sabti, May, 12, 2018 (HOL) –War ka soo baxay taliska militariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay baarayaan wararka ku saabsan in dad shacab ah lagu dilay weerar ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb galeen howlgal ay ciidamada Soomaaliya hoggaaminayeen oo lagu kala dhantaalay shabakad Al-Shabaab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Bulcida ee Soomaaliya, 9-kii May.

“Waxaa jira tuhun ku saabsan in dad shacab ah wax ku noqdeen waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa akhbaaraadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasaaradda Gaashanadhigga Mareykanka ay ka go’an tahay inay ka hortagto halista argagixisada dunida, ayna taageeri doonto dalalka gobolka ee arrintana awoodda u leh. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in taliska AFRICOM uu ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom kula midoobay ka hortagga argagixisada.

Inkastoo waeerarka ka dhacay Bariirre lagu sheegay in uu bartilmaameedku ahaa Al-shabaab, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho oo soo gaaray dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]