4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2018
Wasaaradda Amniga oo si adag uga hadashay dilalka Muqdisho

 

Jimco, May, 11, 2018 (HOL) – Wasiirrada Amniga gudaha Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dilalka ka dhacay caasimada ee lagula kaco mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo dadka rayidka, xili dhinaca kale ay nagu soo fool leedahay bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Ducaale Isloow ayaa sheegay in magaalada Muqdisho xaq u laheyn in maalin walba lagu daadiyo dhiigga muwaadin Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in ka wasaarad ahaan xoogga saari doonaan sugida Amniga caasimada.

“Waxaan rabaa in aan halkan ka sheego magaalada Muqdisho xaq uma lahan in maalin kasta ama habeen kasta lagu dilo qof muwaadin ah, horayna waan u sheegnay hadana waan ku celinaynaa, waxaan u dhaaranay inaan shacabka har iyo habeen u shaqeyno,” ayuu yiri Wasiir Islow.

Waxaa uu ku dhiiri-galiyay ciidamada dowladda ee loogu talagalay sugida Amniga in ay kordhiyaan howlgalladooda lagu sugayo nabad-galyada, iyaga oo dhinaca kalana si wanaagsan ula dhaqmaya dadka shacabka ah.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili xalay rag hubeysan afar ruux ku dileen guri uu magaalada Muqdisho ka degenaa sarkaal ka tirsan hay’addaha Nabad-sugida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]