4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2018
Dad ku dhintay Cagaf ku gadoontay bartamaha magaalada Beledweyne

 

Jimco, May, 11, 2018 (HOL) –Warar goor dhaw naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ruux ku dhinteen xaafadda Xaawo –Taako, gaar ahaan halka lagu magacaabo Buundo-Koowaad kaddib markii ay gadoontay Gagaf ay la socdeen dad isaga kala gooshayay magaalada oo mar kale ay daadad ku dhufteen.

Qof ku sugan magaalada oo goor dhaw la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in dadka dhintay uu ka mid ahaa sheekh siweyn loo garanayay magaalada oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan kana soo jeeda Qowmiyada Oromada, halka dhinaca dhinaca kalana ilaa iyo hada lagu la’yahay biyaha labo wiil oo dhalinyarro ah.

Dadka saarnaa gaaariga oo ka badnaa ilaa Konton qof ayaa ka yimid deegaanka loo barakacay ee CeelJaale iyaga oo ku sii jeeday qeybaha kale ee magaalada.

Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in ay jiraan dad ku hoos jira Cagafta ku gadoontay Buundada, waxaana soconaya gurmad xoog leh oo fidinayo dadka ay wax yeeladu soo gaartay.

Todobad ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale gaari Cagaf-cagaf ah oo ay la socdeen ku dhawaad 100 ruux ku qalibatay bartamaha isla Buundada oo uu maro Togga ugu weyn ee biyaha ku dara Wabiga Shabeelle, waxana xiligaa ku dhintay inta la xaqiijinayo gabar ka mid aheyd dadkii la socday gaariga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]