4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2018
Kooxo Hubeeysan oo Imaam Masjid dilay laba kalena ku dhaawacay dalka Koonfur Afrika



Jimco, May 11, 2018 (HOL) -Kooxo hubeeysan ayaa masjid ku yaal magaalada Durban ee dalka koonfur Afrika toori ku dilay Imaam Masjid, ayagoo sidoo kale dhaawacyo u geeystay laba kale.

Sedex nin ayaa gudaha u galay masjid weyn kadib salaaddii duhur, ayagoo sitay hub, waxayna toori ku weerareen qaar kamid ah dadkii Masjidka ku cibaadeeysanayay, iyagoo sidoo kale Walxo qarxa ku tuuray masjidka, taa oo keentay iyo qeyb kamid ah masjidka uu gubto.

Booliska ayaa sheegay in ragga weerarka geeysatay ay goobta isaga baxsadeen.

Waxay sidoo kale sheegeen in ilaa hadda aan la aqoonsan ragga weerarka geeystay balse ay wadaan baaritaanno, kana baadi goobayaa xaafado ay uga shakisanyihiin in ay raggaasi ku dhuumaaleeysanayaan.

Imaamka ayaa la sheegay in kooxaha weerarka geeystay ay toorida kala dhaceen qoorta, waxaana uu ku geeriyooday xarun caafimaad oo loola cararay si loogu daweeyo.

Shilkan ayaa ah mid ku cusub dalkaasi Koonfur Africa oo 1.5 boqolkiiba bulshada ku nool dalkaasi ee gaareeysa 55-Million ay yihiin Muslimiin.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.