4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2018
Nin Dhakhtar ah oo dabley hubaysan Laascaanood ku Toogteen

Khamiis, May 10, 2018 (HOL) - Dabley hubaysan oo aan haybtooda la sheegin  ayaa toogasho ku diley nin kalkaaliye caafimaad ah caawa fiidkii magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Ninkan oo lagu magcaabi jirey Maxamuud Barkhadle Cabdi ayaa la toogtey isagoo horfadhiya goob caafimaad oo ku taala meel aan ka fogayn qiyaasta 100 talaabo saldhiga booliska ee badhtamaha xili lagu jirey salaadii Cishe.

Rasaas badan ayaa dhacday ka dib dilka marxuunka oo ay ridayeen ciidanka Booliska illaa hadana lama sheegin in ay qabteen dadkii falka geystey,

Saraakiil Boolisa oo aan la xidhiidhnay waxa ay noo sheegeen in ay hawlgal ku jiraan iyagoo ka cudur daartay wax warbixin shilka oo waqtigaas dhacay awgii.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool