4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2018
Magaalada Nakuru 20 qof ayaa ku dhimatay Biyo xireen Jabsaday

Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -In ka badan 20 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dad badan oo kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kadib markii uu jabsaday Biyo Xireenka “Patel Dam” oo ay ku keedsanaayeen biyo badan.

Biyo xireenkan ayaa la sheegay in uu qasaarooyin lixaad leh u geystay dadkii daganaa xaafadaha dhow dhow, ayadoo dad badan oo ay dhaawacyo kasoo gaareen loola cararay goobaha caafimaadka.

Dhibaatadan ka dhalatay biyo xireenka soo jabsaday ayaa saameeyay in ka badan 500 oo qoys.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen Daryan xooggan kahor inta aysan biyo kasoo burqan dhanka Biyo Xireenka, kuwaa oo xaaqay boqollaal guri oo ku dhawaa biyo xireenka oo ay kamid yihiin dhul beereedyo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.