4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 9 , 2018
Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ballanqaaday dib u heshiisiin

 

Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) - Madaxwaynaha dalka Kenya iyo hogaamiyaha mucaaradka ayaa balanqaaday in ay bilaabayaan geedi socod dib u heshiisiin ka dib doorashadii sida kulul loogu tartamay sanaddii aanu soo dhaafnay.

Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay ka dib markii ay yeesheen kulankoodii ugu horreeyay tan iyo doorashadii.

Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhamitay ka dib muran ka dhashay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Horraantii sanadkan, Mr Odinga ayaa isu dhaariyay "madaxwaynaha shacabka " waxa uuna diiday in uu Mr Kenyatta u aqoonsado in uu doorashada ku guulaystay oo uu madaxwayne yahay.

Horey waxa ay labada dhinac ugu gacan seyreen wadahadal ay yeeshaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa lagu wadaa in maanta uu booqasho ku tago caasimadda Kenya ee Nairobi.

Shirka jaraa'id ee ay sida wadajirka u qabteen ayuu madaxwayne Kenyatta waxa uu Mr Odinga ku tilmaamay "Walaalkii".

Mr Kenyatta ayaa yiri: "waxa aan billaabaynaa geedi socod aan uga wadaxaajoonayno halka ay dhibaatada naga haysato iyo waxa nakala qaybinaya."

Mr Odinga aya sheegay "in la joogo waqtigii la xalin lahaa farqiga ino dhaxeeya ".

Madaxwayne Kenyatta ayaa markii labaad xilka loo dhaariyay bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay.

Waxa uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Kenya ka dhacday bishii October, taasi oo Mr Odinga uu qaadacay.

Doorashadii guud ee Kenya ayaa markii hore la qabtay bishii August , balse maxkamad ayaa amartay in dib loogu celiyo , iyada oo sheegtay in guushii Mr Kenyatta ay wax isdabamarino badan hareeyeen.

Xigashada Warkan BBC