4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 9 , 2018
Shirkadaha Isgaarsiinta iyo xawilaadaha ka shaqeeya Jubbaland oo lagu amray in ay Dumarka Shaqaaleeysiiyaan


Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)–Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere) oo khudbad ka jeedinayay xafladdii dabaaldegga maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso ayaa ku amray shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xawilaadaha in ay shaqaaleeysiiyaan dumarka.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin shirkadahaasi waaweyn in ay fuquuqaan dumarka, isagoo xusay in ay kormeeri doonaan xarumaha shirkadaha si ay u hubiyaan in ay dumarka siiyeen xuquuqahooda dhanka shaqada.

Shirkadaha uu Madaxweyne kuxigeenku carabka ku dhuftay waxaa kamid ah, Shirkadda Isgaarsiinta Horumuud, Bankiga Salaam Bank, Xawilaadaha ay kamidka yihiin Dahabshiil, Amal iyo Kaah, isagoo xusay in sidoo kale dhammaan shirkadaha kale laga doonayo in dumarka ay shaqaaleeysiiyaan.

Shirkadaha dhanka isgaarsiinta iyo kuwa kale ee xawilaadaha ah ee ka shaqeeya Kismaayo iyo degmooyinka kale ee gobolka J/hoose kama shaqeeyaan Dumar, ayadoo marka aad tagto xarumahaasi aad ku arkeeyso rag oo qura.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in dumarku dhanka shaqada kaga wanaagsanyihiin ragga, sidaa darteedna ay mudanyihiin in tixgelin la siiyo dumarka wax bartay, waxa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay arintaasi fulin doonaan, isagoo xusay in gudoomiyaha degmada uu kala hadlay in gudoomiyeyaasha waaxaha Kismaayo loo dhiibo dumar.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.