3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 9 , 2018
Dad loo qabtay dil xalay ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir

 

Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL ) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilkii xalay ka dhacay Xamar Weyne.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo uu wehliyay Taliyaha Booliska Jen. Bashiir ayaa xalay saqdii dhexe kormeero ku kala bixiyay Isgoysyada ay ciidamada ammaanka ka sugnaa amniga Caasimadda, isagoo bogaadiyay sida howsha u socoto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay si degdeg uga jawaabeen falkii xalay ka dhacay Xamar weyne oo qof ganacsade ah lagu dilay, isla markaana ay baaris ku socoto dad loo soo qabtay dilkaas.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay diyaarsan yihiin sugida amniga guud ahaan caasimada.

Degmada Xamar Weyne ayaa ka mid ah degmooyinka ugu amniga badan caasimadda, hase ahaatee waxaa muddooyinkan ku soo badanayay dilal loo geysanayay dhalinyaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/9/2018 2:01 PM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kala saxiixday Is-fahan (MOU) kaasi oo ku saabsan sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka Teknoloojiyada, iyadoo munaasabadii heshiiska ay goob joog ka ahaayeen ra’iisul wasaaraha Pakistan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha.

3/9/2018 9:23 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) - Madaxwaynaha dalka Kenya iyo hogaamiyaha mucaaradka ayaa balanqaaday in ay bilaabayaan geedi socod dib u heshiisiin ka dib doorashadii sida kulul loogu tartamay sanaddii aanu soo dhaafnay.

3/9/2018 7:24 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ugu anbabaxay dalka India, halkaasi oo ay uga qeyb galayaan shir caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysiga Khayraadka Tamarta dabiiciga ah.

3/9/2018 7:01 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)–Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere) oo khudbad ka jeedinayay xafladdii dabaaldegga maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso ayaa ku amray shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xawilaadaha in ay shaqaaleeysiiyaan dumarka.

3/9/2018 2:24 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)–Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo mas’uul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

3/9/2018 2:07 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi ku qaabbilay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku tagay Johwar.

3/9/2018 1:08 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)–Iyadoo uu soo ifbaxayo khilaaf soo kala dhaxgalay dowladdaha Soomaaliya iyo shirkadda DP World ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay qoraal Ashtako ah dirtay Ururka Jaamacada Carabta.

3/9/2018 12:47 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)-Dawladda Maraykanka ayaa Liiska Argagixisada ku dartay Laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha Ururka Al-Shabab.