4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 9 , 2018
Mareykanka oo cunaqabateyn saaray labo sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) - Dawladda Maraykanka ayaa Liiska Argagixisada ku dartay Laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha  Ururka Al-Shabab.

Saraakiisha ayuu Mareykanku ku tilmaamay in ay yihiin  argagixiso caalami ah, waxayna kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi waxaana wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga muwaadiniinta Maraykanka, amniga qaranka Maraykanka, siyaadadda arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Maraykanku waxaa uu sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee ururka Al-Shabab tan iyo sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawllgallada ururka eee gudaha Kenya, waxaana lagu sheegay warka qoraalka ah ee kasoo wasaaradda arimaha dibedda Maraykanka in hawlgallada uu maleegay ay bartilmaameedsadeen weerarkii lagu qaaday ciidamada Kenya ee magaalada Ceel-Cadde.

Dowladda Mareynkanka ayaa dhinaca kale waxaa ay sheegtay in sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabab taliyayaashiisa Kenya. Waxa kale oo loo doonayaa in uu ku lug lahaa weerraradii dadka badan ku dhinteen ee sannadkii 2014-ka ee lagu qaaday Mpeketoni, Kenya weeraradaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow 60 qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]