4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 8 , 2018
Ganacsade caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan caawa ku toogteen xaafadda Kootka Ganacsade siweyn looga garanayay degmada.

Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Muuse Mackow, waxaana ay goob joogayaal warbaahinta u sheegeen in rag bastoolado ku hubeysan ku dileen goobtiisa ganacsi.

Markii goobta aya la sheegay in ay ka baxadeen, intaa kaddibna waxaa tagay halka uu dilka ka dhacay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Lama oga sababta loo dilay ganacsadaha, laakiiin warbixin ay qoreen warbaahinta Soomaalida qaarkood ayaa lagu sheegay in uu xiriir ganacsi oo dhaw la lahaa ciidamada midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]