4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 8 , 2018
Muuse Biixi oo ka jawaabay hadalkii ra'iisal wasaare Kheyre

 

Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dagaal uu ku soo qaaday Somaliland.

Madaxweyne Muuse ayaa si adag uga hadlay hadaladii Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan khayre kaga hor yimid heshiishka saddex geesoodka ah ee Dekadda Berbera, waxaanu ka sheekeeyey taariikh dheer ee Somaliland iyo Soomaaliya soo wada mareen.

“Dhayal, faan-faan iyo raalli-gelin siyaasadeed bay kaa ahayd, laakiin Ladh iyo dacar iyo wixii nasoo gaadhay bay kicisay, maantana colaad horleh iyo dagaal baad abuurtay, waxaana aanu u qaadanaynaa inaad dagaal cad (Declaration of war) kusoo qaadday Somaliland, diyaarna waanu kuu nahay. Xorriyadda Somaliland-na kaftan ma gasho, annaana Berbera xukuma, noolaan maysid, horumar samayn maysid, cidna lama hadli kartid, sidee baad noogu quudhay, laakin war baadan haynin.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo si adag uga hadlay hadaladiii ka soo baxay madaxda Soomaaliya.

Waxaanu intas ku daray “ maantana iclaan dagaal baad qaaddaye guddoon, heshiiskaasina wuu hirgelayaa, Berbera-na caalamka oo dhan baa isugu imanaaya, ninna marti ugama nihin, dalkii aanu naftayada u hurnayna waanu ka baayac-mushtaraynaynaa, kulana heshiis gelaynaa, faankaaga iyo kelmedaha aad tidhina wixii aad ka qaaddo ee aan xumaan ahayn baanu kaa eegaynaa.”

Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay munaasibad ay soo qabanqaabiyeen haweenka reer Somaliland oo loogu dabaaldagayey 8 march oo ah maalintii haweenka ee aduunka.

Madaxweynuhu waxay hadalkiisa qiiro galisay haweenkii madasha fadhiyey, waxaana ka muuqday iyagoo ilmo iska tiriya, isla markaana ka qiiraysan hadalka madaxweynaha ka dib markii uu madaxweynuhu ka sheekeeyey saami qaybsigii lixdankii, xasuuqii ka dhacay Somaliland iyo dagaaladdii dhexmaray xukuumaddii Siyaad Bare iyo xoogagii jabhaddii SNM, waxaanu sheegay in hadalka madaxda Soomaaliya ka soo yeedhay xasuusinayaa nabaro ay ka bogsadeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.