4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 8 , 2018
Qaramada Midoobey : Haweenka Soomaaliyeed hormar ayeey ka sameeyeen dhinacyada Siyaasada iyo Dhaqaalaha

 

Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Xilli ay maanta ku beegantahay Maalinta Caalamiga ee Haweenka ayaa Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya uu haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay hiigsanayaan islamarkaana sannadihii u dambeeyay ka gaareen dhinacyada horumarka gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxuuna sidoo kale ku bogaadiyay kaalinta siman ee ay haweenku ka qaataan horumarinta iyo wadajirka bulsho Soomaaliyeed.

War Saxaafadeed uu soo saaray Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Mr Michael Keating ayaa lagu sheegay:“Haweenka ayaa isku hayay qoysaska Soomaaliyeed intii lagu jiray sannadihii dheeraa ee fowdada iyo colaadda hubaysan ee dalka,”.

Haweenka Soomaaliyeed waxay dhigeen taariikh lama ilaawaan ah xilligii hanaankii doorashada ee sannadkii 2016kii, Waqtigaas oo ay murashaxiinta haweenka ahi ku guuleysteen boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka federaalka. Iyadoo dhanka kalana ay Kumanaan haween ah oo codkooda ka dhiibtay 275 ergooyinka doorashada ee soo xulay xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Daraasad la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in 4 ka mid ah 10 kasta oo haweenka dhallinyarada ahi ay yihiin kuwo dhaqaale ahaan u firfircoon.

Haweenka ayaa sidoo kale hada ku baahaya dhinacyada qabashada shaqada iyo wax soo saarka nolosha ee dhaqan ahaan ay raggu qaban jiraan, gaar ahaan haween badan ayaa mas’uuladda u qabtay wax soo saarka dakhliga qoyska hasse ahaatee, haweenka soomaaliyeed ayaa waxay weli wajahayaan takoor ballaaran iyo caqabado badan oo hortaagan horumarkooda xirfadeed iyo kan waxbarasho.

Daraasaad horay loo sameeyay ayaa waxaa lagu xaqiijiyay In lagu qiyaasay boqolkiiba 98 oo ka mid ah dhammaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed lagu sameeyay gudniinka fircooniga. Tacaddiyada galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga qofka.

Iyadoo xaqiiqdii ay jiraan dhibaatooyin adag oo haysata malaayiin haween ah oo ku nool dalkoo intiisa badan, haweenka Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah waxay helaan dhaqaale iyo fursado aad u yar, marka loo fiiriyo dhiggooda raga ah.

Warsaxaafadeedkan ayaa ugu dambeyntii lagu yiri “Caqabadahan waa in wax laga qabtaa oo laga gudbaa iyadoo la sameynayo shuruuc adag, siyaasado dowladeed iyo barnaamijyo wax ku oowl ah. Ka qaybgalka haweenka ee go’aan qaadashada xilalka hoggaamineed oo la kordhiyo ayaa lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Md. Keating.

Awood siinta haweenka ayaa weli ah arrin udubdhexaad u ah dadaallada Qaramada Midoobay ay wax kaga qabanayso caqabadaha bulsho, kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee Soomaaliya iyo adduunka oo dhan. Maalintan oo sannad walba la xuso 8da bisha Maarso, mowduuca xuska sannadkan waa: “Waqtigu waa Hadda: U ololeeyeyaasha miyiga iyo magaalada oo isbedel ku sameynaya nolosha haweenka.”

Isagoo jeedinaya farriintiisa sannadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8-da Maarso, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu caddeeyay in “gaaridda sinaanta jinsiga iyo awood siinta haweenka iyo gabdhaha ay tahay shaqada aan weli dhammeystirmin ee waqtigeena, iyo caqabadda baniaadan ee ugu weyn ee ka jirta adduunka oo dhan.”

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]