4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 8 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir

 

Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan albaabada u xirnaa la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha ayaa guddoomiyayaasha gobolka Banaadir kala hadlay arrimo la xiriira Amniga guud gobolka Banaadir iyo sidii guddoomiyeyaasha degmooyinka ay u qaadan lahaayeen doorkooda sugida amniga degmada ay madaxda u yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday guddoomiyeyaasha degmooyinka inay xil weyn iska saaraan waajibaadkooda, isla markaana cid walba lagula xisaabtami doono howsha ay heyso.

Waxaa uu ku wargeliyay inay la shaqeeyaan Taliyeyaasha ciidamada xasilinta, si ay uga qeyb qaataan howl galada amniga caasimadda lagu sugayo.

Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ay ugu laab-qaboojiyeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka in shaqadooda ka soo baxaan, isla markaana meesha ka saaray wararka maalmahan suuqa soo galay ee ku aadan in xilalka laga qaadayo.

Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu maalmihii la soo dhaafay uu Madaxweynaha la qaadanayay Taliyeyaasha ciidamada iyo laamaha amniga oo looga hadlayay arrimaha xasilinta Caasimadda oo todobaadyo ka hor dilal iyo qaraxyo ay ka dhaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]