4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 8 , 2018
Wasaaradda Duulista Soomaaliya oo amaro culus dul dhigtay shirkaddaha duulimaadyada

 

Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya ayaa amaro cusub ku soo rogay shirkadaha duulimaadyada ee ka howl gala Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo kulan la qaatay Shirkaddaha Duulimaadyada ee ka shaqeeya garoonka Muqdisho ayaa faray in wixii hada ka dambeeya looga baahan yahay Shirkaddaha inay soo gudbiyaan jadwalka duulimaadkooda bil walba.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku wargeliyay rakaabka diyaaradaha ka raacaya Garoonka in looga baahan yahay Seddex saac ka hor in ay xaadir ku ahaadaan Garoonka.

“Shirkaddaha duulimaadka waxaa la farayaa in bil kasta ay soo gudbiyaan jadwalka duulimaadkooda, cidii is bedel ku yimaada jadwalkeeda waxaa ay ku soo wargelineysaa todobo cisho ka hor Xafiiska Wasaaradda Duulista.

Wasiirka ayaa faray shirkadaha duulimaadka in aanay qolo kale ka kireyn diyaarad ay rakaab sugayaan, iyadoo dhowr jeer ay dhacday in diyaarad ay rakaab sugayana ay Madax ka tirsan dowladda kireysteen.

“Diyaaradaha ku xadgudba inta aan soo sheegnay waxa ay la kulmi doonaan ganaaxyadan kala ah marka koowaad 2,000 oo Dollar, marka labaad 2,000 oo Dollar iyo 7 cisho oo shaqo ka fariisin ah iyo marka Saddexaad oo ah in ruqsada shaqada lagala laaban doono”ayuu yiri Wasiirka.

Amarkan ayaa ka dambeeyay, kaddib cabasho ay rakaabka raaca diyaaradaha ka keeneen dib u dhacyada ku yimaada duulimaadyada isla markaana ay mararka qaar dhacdo in dib loo dhigo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]