Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Wasiirada
Arrimaha Dibadda Dowladaha Carabta oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa
waxa ay ka hadleen arrimaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka Carabta, kulanka
waxaa si gaar ah looga hadlay xiisadaha ka taagan dalalka Syria, Ciraaq,
Falastiin, Libya iyo Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed oo kulanka furay ayaa ku
dheeraaday qadiyadda Falastiin, wuxuuna tilmaamay in Qudus aanan loo aqoonsan
karin caasimadda Dowladda Israa’iil.
Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Afrika iyo Dowladda Sacuudiga Axmed Al-qadaan oo
shir guddoominayay kulanka ayaa si adag u cambaareeyay waxa uu ugu yeeray
faragelinta Dowladda Iiraan ay ku heyso Dowladaha Carabta.
“Faragelinta Dowladda Iiraan ay ku heyso degaanada Carabta waxa uu noqday
mid aad looga caroodo, ma ahan wax laga aamusi karo, hadaba hadii aynu nahay
Dowladda Sacuudiga, waxaan si adag u cambaareyneynaa faragelinta Dowladda
Iiraan.” ayuu yiri Axmed Al-qadaan.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa
sheegay shirkan in diirada lagu saaray horumarka dalka Soomaaliya, Nabadgelyada
Sudan, Faragelinta Iiraan ee dalalka Carabta iyo arrimo kale.
War-murtiyeed ka soo baxay kulanka Wasiirada Jaamacadda Carabta ayaa si adag
loogu Cambaareeyay fara-gelinta Dowladda Iiraan gaar ahaan taageerada ay siiso
Maleeshiyada Xuutiyiinta, sidoo kale waxa ay xubnahan si weyn u diideen sida
Dowladda Mareykanka ay magaalada Qudus ugu aqoonsatay caasimadda Israa’iil.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]