3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xarumo ciidan

 

Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga ee halkaas ku sugan, iyada oo sidoo kale uu kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha xerada.

“Halkan waxaan maanta idin kugu imid in aan idin soo kormeero oo aan arko Ciidamada iyo Saraakiisha loo diyaarinaayo in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba difaacaan.maanta sida qof walba ogyahay dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dagaal, xaaladda dagaalna waxaa loo baahan yahay in guud ahaan loo wada istaago difaaca qarannimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayey ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidamada Soomaaliyeed dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidankooda sidii ay uga dulqaadi lahayeen dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaad kahor waxa uu kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, nabad sugidda iyo dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/5/2018 9:35 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiishkan saddex geesoodka ah ee DP World la gashay Somaliland.

3/5/2018 7:13 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)–Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 10-ka Bishaan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

3/5/2018 6:59 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)–Alla ha u naxariistee waxa xalay magaaladda Hargeysa ku geeriyooday abwaankii caanka ahaa ee Majaajlista ku caan baxay marxuum Ismaaciil Cabdi Guure Basbaas oo ka mid ahaa tiirarkii waaweyna ee Hobolada Waaberi.

3/5/2018 3:23 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)–Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa ganafka ku dhuftay shadalkii ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in heshiiskii saddex geesoodka Dekeda Berbera uu ahaa mid sharci darro ah.

3/5/2018 2:34 AM EST
Soomaalida dagan Waqooyiga America oo lagala tashanayo Doorashada Soomaaliya Sanadka 2020ga iyo Gud. Xaliimo Yarey oo USA soo gaartay

3/5/2018 1:54 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018(HOL)-Saraakiisha hay’ada Qaramada Midoobay ee dabagalka hubka Niyukleerka ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaaladda Vienna.

3/5/2018 1:44 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)-Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano dhowr ah oo sita hubka culus ay galeen qeybo ka mid ah dalka Kenya.

3/5/2018 1:21 AM EST
Isniin, Maarso,05,2018 (HOL)-Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa guddoomay Darees ciidamada oo dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay wasaaradad gaashaandhiga dalkaasi Turkiga.

3/5/2018 1:08 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)-Waxaa soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo la xiriira qaraxyadii ka dhacay Bishii October ee sanadkii hore Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

3/5/2018 12:55 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)-Ciidamada dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay ku guuleystay in Al-shabaab ay ka furtaan hub ay lahaayeen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo lagu furtay dagaal Jimcihii ina dhaafay ka dhacay degmada Balcad.