4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2018
Xisbiga WADDANI oo heshiishka DP World ku tilmaamay mid madmadow badan ku jiraan

 

Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL) -Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiishkan saddex geesoodka ah ee DP World la gashay Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in heshiishkani Dp World uu mad madow badani ku jiro,isla markaana aan shacbiga loo soo bandhigin.

“Heshiishyada xukumadihii kala dambeeyey ee xisbiga kulmiye la galeen dalka aanu jaarka nahay ee Imaaraadka Carabta waxa ka muuqata madmadow faro badan , iyadoo shacbiga si dhab ah loogu soo bandhigin heshiishyadaasi, waxa ka marag kacaya mugdisigaasi shirkad loogu magac daray Somaliland Investment Company oo sharciga samayskeedu waafaqsanayn shuruucda Somaliland oo Dubai laga sameeyey”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale, Cirro waxa uu sheegay in heshiishkan cusub ka hor imanayo heshiishkii hore ee Baarlamaanku ansixiyey, waxaanu sheegay in heshiishkaasi hore Somaliland lahayd 35%, haseyeeshee kan dambe laga jaray 5%.

“Heshiiskaasi hore ee aan rasmiga ahayn heshiishkan cusubi wuu burinayaa, heshiishkaasi baarlamanka la hor geeyey Somalilad waxay lahayd saami dhan 35%, Dp Wolrd wuxuu lahaa 65%, Somaliland may cadayn sababta 5% u bixisay iyo waxay ku bedelatay”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale, waxaa uu gudoomiyuhu ka hadlay mashruuca Xumbo Weyne oo dadweynuhu sugayeen inay xaafadaha aan biyaha helin biyo heli doonaan, haseyeeshee xukuumadan cusub sheegtay inuu mashruucaaasi fashilmay, waxa uu xisbigu sheegay in loo cadeeyo sababta fashilkaasi keentay.

“60% shacabka Somaliland waxay rajaynayeen inay biyoi helaan oo biyahaasi ka helaan mashruucii Xumbo weyne, xukuumadihii kala dambeeyey rajo weyn bay shacabka galiyey inay biyo heli doonaan, laakin xukuumadan cusub rajadii shacabka way ka tirtirtay, xukuumadu ha u cadayso shacabka maxa fashiliyey, cidii lacagta mashruucaasi xaday ha sheegto, cid baa dambi gashay ma odhan, dawladii imaaraaadka ee mashruucan waday baa lacagtii la noqotay may odhan halkee buu fashilku ka yimid”ayuu yidhi Cirro oo ka hadlayey mashruuc balaadhan oo biyo balaadhinta Hargeysa loogu tallogalay oo la sheegay inuu fashilma, haseyeeshee xukuumada ma cadeyn sababta uu u fashilmay iyo cidii dambiga lahayd.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland