4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2018
Abwaan Basbaas oo ka mid ahaa hoboladii Waaberi oo Hargeysa ku geeriyooday

 

Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL) – Alla ha u naxariistee waxa xalay magaaladda Hargeysa ku geeriyooday abwaankii caanka ahaa ee Majaajlista ku caan baxay marxuum Ismaaciil Cabdi Guure Basbaas oo ka mid ahaa tiirarkii waaweyna ee Hobolada Waaberi.

Abwaan Basbaas ayaa iskugu jirey noocyada kala duwan ee Fanka, waxaanu ahaa hal abuur heeso badan sameeyey, majaajilista iyo mararka qaarkood oo uu kamanka tumi jirey, waxaanu fanka soo gallay ka hor intii aan xoriyadda la qaadan.

Abwaan Basbaas waxa uu dhashay 1942, waxaanu ku dhashay tuulo ku taalla gobolka Togdheer, waxaanu 1957 ku biirey kooxdii ugu horeysay ee fanka Soomaaliyeed ee la odhan jirey walaalaha Hargeysa, markii dambe ee xoriyadda la qaatayna waxa uu ka mid noqday odayaashii Hobolada Waaberi ee xaga majaajista ugu caansanaa, waxaanu matalay inta badan riwaayadihii caanka ahaa. Marxuunku waxa uu ifka kagaga tagey 3 qof oo kala ah laba hablood iyo wiil.

Marxuumu waxa uu lahaa heesta Miisiikada ay idaacada Muqdisho Iyo Hargeysa warka ku soogalaan, Alla ha u naxariisti waxa uu mudooyinkii u dambeeyey ku xanuunsayey magaalada Hargeysa.

Dhinaca waxa abwaanka Tacsi u direy Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi “ anigoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Abwaan Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Basbaas) oo ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu ahayd 04/03/2018, magaalada Hargeysa.”

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Abwaan qaran oo ka baxay shacbiga Somaliland iyo guud ahaan bulshada ku hadasha afka-Soomaaliga meel ay joogaanba, isagoo marxuumku bahda fanka ku biiray 1950-kii ahaana dadka faro ku tiriska ah ee hibadda Alle u siiyey curinta suugaanta kala duwan iyo majaajilada.

Madaxweynuhu Waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ha ka siiyo.

Sidoo kale, waxa iyaguna tacsi u direy abwaanka gudoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro iyo Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo ilaahay u baryey inuu janadii fardawsa ka waraabiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.