4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2018
Soomaalida dagan W/Ameerika oo la gala tashanayo Doorashada Soomaaliya Sanadka 2020-ga iyo Gud. Xaliimo Yareey oo USA soo gaartay

Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil  Ibraahim (Xalima Yareey). Iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa booqasho gaaban ku yimi dalkaan Maraykanka qaasatan gobolka Minnesota .

Booqashadaan shaqo ayaa ah mid  ku salaysan xog ururin ku saabsan  sidii dalka soomaaliya ay uga dhaci lahayd doorasho qof iyo  cod ah iyo waliba sidii qurbojoogta looga qaybgalin lahaa Talo baxinta doorashada Soomaaliya ka dhaci doonta sanadka markuu yahay 2020sida uu sheegay Xogahaya joogtada ee gudiga Daahir Mire Jabriil.

Xaliimo Ismaaciil ayaa iyaduna sheegtay inay u yimadeen inay dhagaystaan talooyinka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerica waxii talo iyo tusaale ay hayaan, ayna xagooda u soo bandhagi doonaan waxii talo laga hayo maamulada kala duwan ee Soomaaliya

La tashiyo dan iyo xag ururtan ayaa ka dhaci doonta magaalooyinka Minneapolis,Torornto,Ottawa iyo Washinton DC ,Waxayna ka bilaabaysaa Maanta oo Isniina iyo bari oo Talaado ah magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota Maraykanka magaalooyinka kalena isla maalhaan xiga hadii alle idmo ayeey tiri xaliimo yareey.

Dadwaynaha Soomaaliyeed ee dagan magaalooyinka Mataanaha ah waa St Paul & Minneapolis ayaa baryahaan aad u hadal hayey kulumada ay gudigaan qabandoonaan iyo talooyinka saxda ah oo ay hayaan sidii ay ugu soo bandhigi la haayeen.



Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis,MN