Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL) - Saraakiisha
hay’ada Qaramada Midoobay ee dabagalka hubka Niyukleerka ayaa maanta lagu wadaa
in ay kulan ku yeeshaan magaaladda Vienna.
Kulankan ayaa waxa diiradda lagu saari doonaan barnaamijka Niyukleerka dalka
Iiraan.
Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay hay’ada la socodka hubka
Niyukleerka ee loo soo gaabiyo IAEA ayaa lagu sheegay in Iiraan ay u
hogaansantay heshiiskii ay la gashay 6 dal oo ah kuwa quwadaha waawayn oo
Mareykanka ay ka mid yihiin.
Dadka la fagura arrimahani ayaa sheegaya in Iiraan ay sanado badan ku qaadan
karto samaysashada hubka Niyukleerka.
Madaxwayne Donald Trump ayaa marar badan cambareeyay heshiiska ay wadamada
quwadaha waawayn la galeen dowladda Iiraan.
Heshiiskan ayaa Iiraan lala galay sanaddii 2015 , waxaana Iiraan dhankeeda
ay ku badalatay in laga khafiifiyo cunaqabataynta dhaqaalaha
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]