4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2018
Kenya oo ku raad joogta dagaalyahanno ka tirsan shabaab oo gudaha u galay Kenya

 

Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL) - Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano dhowr ah oo sita hubka culus ay galeen qeybo ka mid ah dalka Kenya.

Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen in ay waddaan howlgallo ay ku baadigoobayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu arkay qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari.

Ciidamada Ammaanka waxa ay sheegeen in dadka degaanada ku dhow Mandera ay u soo gudbiyeen in rag hubeysan ay arkeen , kuwaa soo aan aheyn ciidamada Booliska.

Cabsi weyn ayaa ka jirta qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, sidda uu xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Mandera.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Waqooyi Bari aytaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay ku jiraan heegaan, maadaama dadka degaanka ay soo gudbiyeen in dagaalyahanadaasi ay kasoo gudbeen xadka Soomaaliya.

Amniga degmada Mandera ayaa si adag loo adkeeyay , xilli dhawaan Al-Shabaab ay weerareen degaano hoos yimaada Mandera.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]