4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2018
Turkiga oo Darees ciidan ku wareejiyay taliska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya


Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL) - Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa guddoomay Darees ciidamada oo dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay wasaaradad gaashaandhiga dalkaasi Turkiga.

Dareeskan dowladda Turkiga ay ugu deeqday ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya ayaa isugiu jiray Dhar, Kabo iyo Agab kale oo labiska ciidamada la xiriira, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Turkigu ay ku taageerayso ciidanka xoogga dalka.

Munaasabad kooban oo Dareeska loogu wareejinayay ciidamada xoogga dalka ayaa ka dhacay xerada tababarka Jasiira, waxaana taliyaasha ciidamada Cirka iyo Badda Admiral Madey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali Deble Baylood ay balan-qaadeen in ay u maareyn doonaan sidii loogu talagalay.

“Maanta waxaan halkani ku guddoomaynaa Dareeskan oo dowladda Turkigu in noogu deeqday, mana-ahan markii ugu horeysay,waa markii labaad oo deeq tan lamid ah ay inoo keenaan waxaan dhihi karnaa waa cusub ayaa inoo baryay, Anagana waxaan balan-qaadaynaa in aan u maareyno sidii loogu talagalay”.ayuu yiri taliyaha ciidamada Cirka Maxamuud Sheekh Cali Deble Baylood

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahad-celiyay dowladda Turkiga sida ay u garab taagan-tahay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,isagoo ku tilmaamay mid dhiiro-gelinaysa ciidamada xoogga dalka.

Dowladda Turkiga oo ka mid ah saaxiibada Soomaaliya ayaa dowr muuqda ku leh taageerada ay siinayso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,sida hirgelinta mashaariic horumarineed iyo taageeridda ciidamada Qalabka sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]