3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2018
Faah faahinno dheeraad ah oo laga bixiyay Qaraxii Zoobe ee sanadkii hore ka dhacay Muqdisho

 

Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL) - Waxaa soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo la xiriira qaraxyadii ka dhacay Bishii October ee sanadkii hore Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga Gurmad Qaran oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa caawinta dadkii ay masiibooyinkaasi saameysay, ayaa xalay soo bandhigay jadwal muujinaya sida dadka ay usaameysay qaraxyadii Zoobe iyo weerarkii Hotel Naasa Hablood.

 

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu saameynta badnaa abid oo ka dhacay guud ahaan marka la eego qaarada Africa taariikhda inta la xasuusto mar kaliya, isaga oo saameyn adag oo dhinaca nolasha ah ku yeeshay qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi, maadaama Shabaab ay ka aamuseen, sidoo kalena aysan jirin cid gaar ah oo sheegatay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay masuuliyadda qaraxyadii dhacay inay ka dambeeyeen Al Shabaab oo dad badan ay ku dhibaateeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/5/2018 12:13 PM EST
Isniin, Maarso,05,2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

3/5/2018 9:35 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiishkan saddex geesoodka ah ee DP World la gashay Somaliland.

3/5/2018 7:13 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)–Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 10-ka Bishaan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

3/5/2018 6:59 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)–Alla ha u naxariistee waxa xalay magaaladda Hargeysa ku geeriyooday abwaankii caanka ahaa ee Majaajlista ku caan baxay marxuum Ismaaciil Cabdi Guure Basbaas oo ka mid ahaa tiirarkii waaweyna ee Hobolada Waaberi.

3/5/2018 3:23 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)–Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa ganafka ku dhuftay shadalkii ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in heshiiskii saddex geesoodka Dekeda Berbera uu ahaa mid sharci darro ah.

3/5/2018 2:34 AM EST
Soomaalida dagan Waqooyiga America oo lagala tashanayo Doorashada Soomaaliya Sanadka 2020ga iyo Gud. Xaliimo Yarey oo USA soo gaartay

3/5/2018 1:54 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018(HOL)-Saraakiisha hay’ada Qaramada Midoobay ee dabagalka hubka Niyukleerka ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaaladda Vienna.

3/5/2018 1:44 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)-Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano dhowr ah oo sita hubka culus ay galeen qeybo ka mid ah dalka Kenya.

3/5/2018 1:21 AM EST
Isniin, Maarso,05,2018 (HOL)-Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa guddoomay Darees ciidamada oo dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay wasaaradad gaashaandhiga dalkaasi Turkiga.

3/5/2018 12:55 AM EST
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)-Ciidamada dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay ku guuleystay in Al-shabaab ay ka furtaan hub ay lahaayeen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo lagu furtay dagaal Jimcihii ina dhaafay ka dhacay degmada Balcad.