4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2018
Ciidamada dowladda oo soo badbaadiyay hub laga furtay AMISOM

 

Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)-Ciidamada dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay ku guuleystay in Al-shabaab ay ka furtaan hub ay lahaayeen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa  AMISOM oo lagu furtay dagaal Jimcihii ina dhaafay ka dhacay degmada Balcad.

Col Xassan Dhicisoow oo ah taliyaha booliiska maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ciidamadu ku guuleysteen in Al-shabaab ka badbaadiyaan Qoryo nooca Dhashiikaha oo la sheegay in ay saarnaayeen gadiid dagaal oo Al-shabaab ay ku gubeen dagaalka.

‘’Annaga gurmadkeena waxaa uu ku guuleystay in ay Al-shabaab ka soo furtaan Qoryo Dhashiike ah oo saarnaa gadiidka dagaalka ciidamada AMISOM, qaarkood hubkaas Al-shabaab wey awoodi waayeen in ay qaataan oo wey isaga carrareen ayuu yiri ‘’ Col Xassan Dhicisoow.

Dagaalka degmada Balcad oo ahaa mid khasaare badan geystay ayaa looga dilay ciidamada Burundi ilaa Shan Askari, inkastoo Al-shabaab tirada dhimashada intaa ka badinayaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa dagaal ba’an kula jira xoogagga Al-shabaab oo waayadii ugu danbeeyay kordhiyay weerarada tooska ah iyo qaraxyda ay ka geysanayaan deegaannada ay dowladdu maamusho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]