4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Dacwadda Soomaaliya u gudbisay Qaramadda Midoobay

 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda Soomaaliya ku eedeeyey inay farogalin ku hayaan arrimaha Somaliland,isla markaana khalad iyo daandaansi ku tilmaamay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta.

Sidoo kale,waxa uu ka hadlay sicir bararka, abaaraha iyo xaaladda guud ee Somaliland ku jirto, waxaanay sheegeen in arrimaha qaranka uu dastuurku ogol yahay in si wada jir ah la iskugu yeedho shirgudoonka golaha Wakiiladda, Guurtidda iyo labada xisbi mucaarad.

“Waxaad ka war qabtaan in dawladda Muqdisho ay dacwad geysay golaha Ammaanka, dacawaddaas oo ku saabsan Somaliland dhulkeeda oo ah heshiiska ay dawladaha Somaliland iyo Imaaraadku wada galeen, gaar ahaan DP World iyo mashaariicda aynu la galnay in Berbera lagu horumariyo. Arrintaas iyada ah meelaha ay khusayso waanu gaadhsiinay waraaqaheeda iyo warkeeda, qaranka Somaliland-na waxaanu jecellahay in aan u iftiimiyo waxa jira.”ayuu yidhi Biixi.

Waxaanu intaas ku daray “Sida dadka qaarkii arrinta u dhigaan ee yidhaahdaan DP World bay dacweeyeene innaga (Somaliland) inamay dacweyn, DP World innagaa heshiiska la galnay, goobta lagula galay ee laga wada-hadlayaana waa Somaliland oo waa Berbera, DP World-eey maxaad Berbera u tagtay oo aad heshiis ula gashay ninka lihina waa ninka Muqdisho ka taliya.”

Madaxweynuhu wuxu sheegay in dhamaan wixii shirar loo qabtay Soomaaliya aana marna Somaliland ku jirin, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Markaan taariikhdii hore ee aynu in badan ka hadalnay ee qoraalka ah aynu iska dhaafno waxa aynu kasoo qaadaynaa markii dawladdii Militeriga ahayd ee jabhaduhu la dagaallamayeen laga adkaaday aynu ka bilowno 1991-kii, wixii shir loo qabtay Koonfur oo ay ugu horreeyaan kuwii Xasan Guuleed qabtay ee labada shir ahaa ee Jabuuti, Somaliland shaqo kuma lahayn, wefti uma diran, caalamkuna wuu ogyahay, iyaguna way ogyihiin, wixii ay dawlad dhisanayeenna midna shaqo kumaynaan lahayn. Shirkii kale ee dawlad lagu dhisay waxa uu ahaa kii Carta, waxaana dawlad loogu dhisay Soomaalidii Talyaanigu gumaysan jirey, Somaliland-na shaqo ay ku lahayd dawlad ahaan may jirin, Somaliland qayb kama ay ahayn Carta, sidii ay wax u qaybsadeen iyo weftigoodii midna, way jiraan ashkhaas tagtay oo reer Somaliland ah laakiin waxa ay ahaayeen qolo gef ka gashay qaranka, markii ay yimaadeenna waad ogaydeen in qaar la xidhay, qaran ahaanna uu ka yaallay xeer. Haddii laba qaran la yahay waxyaabaha qadafka ah ee aanad qofka xaq ugu lahayn oo meel ah oo aad ugu soo gabbato aan lahayn waa lagala baydhaa.”

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray, “Labada dawladood waxa ay midoobeen oo Xamar isugu tageen 1960-kii, 33-kii xildhibaan ee halkan ka tegay iyo 90-koodii iyo wixii oo la isku daray oo aynu aqbalnay oo aan ahayn wax laga heshiiyey, yeelkeedee caalamka loo gudbiyey waxa ay ahayd Somali Republic oo labadaas ka kooban oo mustacmaradihii Ingiriiska iyo Talyaaniga ah, magaca Qaramada midoobay yaalla ee ay dhaca iyo gardarrada ku sitaan waa kaas,”

“Somaliland waxa ay taagan tahay laba dawladood oo isu tegay ayeynu ahayn, soddon sano oo kadeed ah oo khilaaf ah baynu u taagnayn, labadii dawladoodna mid waliba dhankiisa ayuu wax u dhistay, Haddii walaaltinimo la doonayo oo midnimo la doonayo oo shicibka koonfureedow lexejeclo Soomaaliyeed idin hayso, waxa kaliya oo aynu isugu iman karnaa inaga oo laba dawladood oo walaalo ah oo is qaddarinayna, iyada oo saaka Xamar Baarlamaankeedii laba qol u kala fadhiyaan oo isku dilayaa, oo ay Kismaayo dawlad gaar ah oo ay Baydhabo mid gaar ah, tahay oo Banaadir mid gaar ah oo ay Garoowe mid gaar ah tahay, ray’iga qudha ee intaas oo dhammi ku heshiiska yihiinna tahay Somaliland annagaa dusha ka xukunna oo ma noolaan karta oo ma shaqaysan karto.”ayaa yidhi.

Madaxweynuhu waxa uu baaq uu ku sharraxay aragtida Somaliland ka qabto gardarrada Soomaaliya u diray dawladaha caalamka iyo urur-goboleedka ay ku bahoobeen dawladaha Afrikada Bari, “Dawladaha Jaarka ah, IGAD iyo caalamka waxa aanu u sheegaynaa arrintaas ay soo faro-gelisay dawladda Muqdisho ee mashaariicda Berbera waa weerar cad iyo faro-gelin, umana dul-qaadan karno, Somali Republic-gga qaramada midoobay aqoonsadeenna waxaanu u aragnaa inay eexasho ka galeen shicibka reer Somaliland, waana ka dacwoonaynaa, caalamkana uga daali mayno in aanu gardarrada dhacda sidii loo sixi lahaa galno, Somaliland-na waxaan leeyahay taas ku niyad-jabi mayno innanna dhibi mayso, isla markaana baaq u diray beesha caalamka,”

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu ka hadlay xidhiidhka dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu yidhi “Jabuuti waa walaaladeen, arrimaha siyaasadda ee jirana innagu nabad iyo walaalo ayeynu ka nahay, DP World oo kasoo guurtay oo Berbera timi waa arrin ganacsi, markaad shaadh iibsanaysona tukaan baad gashaa, haddaad af garanweydona ka ku xiga uun baad ka iibsataa, ma aha in Jabuuti halkan (Somaliland) waxyeello kaga duulayso, mana ah haddii ay Jabuuti iyo DP World is qabtaan mid Somaliland belaayo kaga soo duulayso, muhiimadda iyo walaaltinimada aynu nahay baa ka weyn, wax la buun buuniyo oo marmarka qaarkood dadku wax ka dayaan in innaga iyo DP World dhex marayaa xidhiidhka Jabuuti wax yeelayona ma ahee waxa aynu isu nahay baa ka weyn, wanaagna wuu inaga dhexeeyaa, wax khilaaf ahna ma lihin, mad-madowna halkaas kuma jiro,”.

Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka hadlay xaaladda abaareed ee Somaliland mar kale kasoo cusboonaatay, waxaana uu wax ka beddelka xaaladdani waqti dheer qaadan doonto, waxaana uu yidhi, “Ilaahay Baryo uun baynu ku leenahay iyo inuu inoo celiyo noloshii uu ina baray ee raxmaadka iyo barwaaqada ahayd inuu inoo soo celiyo uun baynu ka baryeynaa, hase yeeeshee caalamka waxa aynu u sheegaynaa in cimilada is beddeshay iyo abaaraha is-daba joogga ah ay maantana Somaliland ka taagan tahay dalka intiisa badan oo roobkii sanadkanna seejiyey, waxa aynu ka qabanayno iyo nolosheenu sida ay noqonaysaana waqti dheer bay qaadanaysaa.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.