4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Jawaari : Anniga iyo Labadeyda ku-xigeen waan ka Aqbalnay madaxwyenaha in xaalada la dajiyo

 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa.

Guddoomiyaha oo goor dhaw warbaahinta la hadlay sheegay in kulanka maanta loo hakiyay codsi ka yimid Madaxweynaha oo xalay saqdii dhexe illaa waabarigii kulan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inay ogolaadeen wixii khilaaf ee jira xal laga gaaro, isla markaana loo turo shacabka, isla markaana midnimada iyo wadajirka Baarlamaanka lagu dadaalo.

“Aniga iyo labadeyda kuxigeen waxaan la kulanay Madaxweyne Faramajo, wuxuu soo jeediyay in kulanka maanta la hakiyo, si xaalada loo dejiyo, anagana waa ka wada aqbalnay soo jeedinta Madaxweynaha”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Wuxuu intaa ku daray in dib laga soo sheegi doono, wixii kale ee dhiman, si loo helo xasilooni siyaaasadeed sida uu yiri.

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada inay aqbalaan soo jeedinta madaxweynaha, lana ilaaliyo bedqabka iyo wadajirka Baarlamaanka sida uu yiri.

Kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa ayaa Xildhibaanada iska soo horjeeda kala wateen labo ajande ah, waxaana laga cabsi qabay fowdo iyo qalalaase siyaasadeed oo hareeya dalka

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]