4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Wararkii ugu danbeeyay Muqdisho iyo aragtida dadku ka qabaan go’aankii madaxweynaha uu qaatay kulankii Baarlamaanka

 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) –Dadka reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya go’aankii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay kulankii maanta la filayay in ay yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka oo ahaa mid xasaasi ah oo dadka siweyn isha ugu wada hayeen.

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixinayaan si deg deg ah ah ee uu madaxweyuhu u soo faragaliyay xaalada, iyadoo dadka qaar u fasirayaan in madaxweynuhu dib u eegey saameynta uu yeelan karay kulanka maanta oo dad badan u arkayeen uu ahaa mid halis siyaasadeed ku keeni karay guud ahaanba dalka.

Dadka reer Muqdisho oo saakay ku soo toosay ciidamo taagan dhamaan isgoyska caasimada, ayaa mar kaliya uun ka war helay war ku saabsan in madaxweynuhu dib u dhigay kulanka, taasoo keentay in dhaqdhaqaaqi magaalada iyo isku socodkii dadweyuhu dib u soo laabto.

Xaaladu hadda waa ay degan tahay hasse ahaatee wali lama hayo war ku saabsan tallaabada xigta iyo halka looga dhaqaaqayo marxalada hadda taagan ee ah mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Hasse ahaatee dad badan ayaa qaba in go’aanka madaxweynuhu uu ku baajiyay kulanka uu muuqaal guud ka bixinayo in marka madaxdu diyaar u tahay dhameynta khilaafkan oo muddaba soo jiitamay si markii dib loogu bilaabo howlihii dowladda oo maalmihii ugu danbeeyayba hakad ku jiray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]