5/11/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Isku socodkii dadka iyo gadiidka Muqdisho oo dib u soo noqday


 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) –Waxaa dib u bilaawday isku socodkii dadka iyo gadiidka qeybo ka mid ah jidadka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho, kaddib markii ay saakay bulshadu ku waabariisatay jidadka oo gabi ahaanba xiran.

Ciidamo isugu jira kuwa Militariga, Booliiska iyo Nabad-sugida ayaa xalay la dhigay qeybo ka mid Isgoysyada ugu muhiimsan caasimada kuwaa oo siweyn ula socday dhaqdhaqaaqa iyo nabad-galyada guud ahaan magaalada.

Foojignaanta ciidamada ayaa lala xiriirinayay kulan maanta la filayay in xarunta Golaha Shacabka ay ku yeeshaan xildhibaannada Baarlamaanka, hasse ahaatee u baaqday codsi ka yimid madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan in dib loo dhigay kulankii xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa la arkayay qeybo ka mid ah magaalada gaar ahaan jidadka ugu muhiisan oo loo fasaxayo in dadka iyo gadiidku isticmaali karaan.

Dadweynaha reer Muqdisho ayaa xaley-ba ku sii talagalay in maanta magaaladu kala xirnaan doonto, iyadoo qof walba uu qorshihiisu ahaa in uu bal si dhaw ula socdo waxa ka soo yeeri doona xarunta Golaha Shacabka marka ay isugu tagaan xildhibaannada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/31/2018 12:03 PM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qaybta 52–aad Gen Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sheegay in ay ku dileen howl-galadii ka socday Gobolka Hiiraan ee soo bilowday 14-kii bishaan 120 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

3/31/2018 10:28 AM EST
Sabti, Maarso, 31,2018(HOL)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda Soomaaliya ku eedeeyey inay farogalin ku hayaan arrimaha Somaliland,isla markaana khalad iyo daandaansi ku tilmaamay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta.

3/31/2018 9:36 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) – Malala Yousafzai oo ah gabadha ugu da’da yar dunida ee heysata abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ayaa dib ugu laabatay deegaankii ay ku dhalatay ee dalka Paskistan markii ugu horeysay, tan iyo markii maleeshiyo ka tirsan kooxda Taliban ay dhaawaceen.

3/31/2018 8:31 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018(HOL)–Israsaaseyn khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababatay ayaa duhurnimadii maaanta ku dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya halka loo yaqaan Xerada 77 ee ku taala degmada Dayniile.

3/31/2018 3:18 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa.

3/31/2018 3:11 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) –Dadka reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya go’aankii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay kulankii maanta la filayay in ay yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka oo ahaa mid xasaasi ah oo dadka siweyn isha ugu wada hayeen.

3/31/2018 1:29 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ciidammada Israel ay dileen shan iyo toban qof oo dibadbax ka dhigayay xadka israel, halka kun qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi. Madaxweynaha Falastiniyiinta ayaa dowladda Israel ku edeeyay inay mas'uul ka yihiin dhimashada dadkani.

3/31/2018 12:38 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa labaduba ka hadlay xiisada siyaasadeed ka dhax-taagan xildhibaannada Golaha Shacabka.

3/31/2018 12:31 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–War naga soo gaaray madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baajiyay kulan xasaasi ah oo ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka.