3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee Golaha Shacabka

 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) –Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa labaduba ka hadlay xiisada siyaasadeed ka dhax-taagan xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweyniyihii hore Xassan Sheekh Max’muud ayaa Qoraal ku uu soo saaray ku yiri :

Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka.

Ma aha markii ugu horreysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama waaiirka kowaad ee xukuumadda.

Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladdaad horay loo soo maray, Labada cashar waxay kala yihiin:

1. Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY,DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhammaa jirtay kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo.

2. Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida.

Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hoggaanka dalka,laxa jeclo badanne ka hayso degganaantiisa waxaan soo jeedinayaa:

1. In la muujiyo dulqaad iyo tanaasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursaddaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH.

2. Haddi ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo e, waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanuu taagneyn.

Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibato laga baaji karo.

Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas’uuliyaddii loo dhaartay ee halla qaato xikmadda ah – RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN.

Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga halla qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo

Madaxweynihii Shariif Sheekh Axmed ayaa Qoraal kooban ku yiri :

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan madaxda qaranka in gacmaha la isku qabsado sidii dalka loo badbaadin lahaa, lagana fogaado Khilaaf kasta oo horseedi kara in aan gacmaheenna ku burburinno geedi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya, iyada oo maanka lagu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib loo yagleelo dowladnimada.

Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka.

Haddii isfahan lagu xalin waayo khilaafka taagan waxaan aaminsanahay in lagu kala baxo dastuurka dalka ee noo qoran aduunkuna noo aqoonsan yahay, iyada oo la ilaalinayo xasiloonida iyo sharafta qaranimadeenna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/31/2018 12:03 PM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qaybta 52–aad Gen Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sheegay in ay ku dileen howl-galadii ka socday Gobolka Hiiraan ee soo bilowday 14-kii bishaan 120 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

3/31/2018 10:28 AM EST
Sabti, Maarso, 31,2018(HOL)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda Soomaaliya ku eedeeyey inay farogalin ku hayaan arrimaha Somaliland,isla markaana khalad iyo daandaansi ku tilmaamay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta.

3/31/2018 9:36 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) – Malala Yousafzai oo ah gabadha ugu da’da yar dunida ee heysata abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ayaa dib ugu laabatay deegaankii ay ku dhalatay ee dalka Paskistan markii ugu horeysay, tan iyo markii maleeshiyo ka tirsan kooxda Taliban ay dhaawaceen.

3/31/2018 8:31 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018(HOL)–Israsaaseyn khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababatay ayaa duhurnimadii maaanta ku dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya halka loo yaqaan Xerada 77 ee ku taala degmada Dayniile.

3/31/2018 3:18 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa.

3/31/2018 3:11 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) –Dadka reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya go’aankii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay kulankii maanta la filayay in ay yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka oo ahaa mid xasaasi ah oo dadka siweyn isha ugu wada hayeen.

3/31/2018 1:39 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Waxaa dib u bilaawday isku socodkii dadka iyo gadiidka qeybo ka mid ah jidadka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho, kaddib markii ay saakay bulshadu ku waabariisatay jidadka oo gabi ahaanba xiran.

3/31/2018 1:29 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ciidammada Israel ay dileen shan iyo toban qof oo dibadbax ka dhigayay xadka israel, halka kun qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi. Madaxweynaha Falastiniyiinta ayaa dowladda Israel ku edeeyay inay mas'uul ka yihiin dhimashada dadkani.

3/31/2018 12:31 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–War naga soo gaaray madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baajiyay kulan xasaasi ah oo ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka.