5/11/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo dib u dhigay kulan ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka


 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–War naga soo gaaray madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baajiyay kulan xasaasi ah oo ay maanta  yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka.

Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya kulanka loo baajiyay si looga fogaado dhibaato ka dhalan karta fadhiga Golaha marka ay isugu taggi lahaayeen xildhibaanno siweyn ugu kala aragti duwanaa Ajandaha kulanka.

Xildhibaanno xalay ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya in uu ku guuldareystay waajibaadkii loo doortay, iyaga oo sheegay in mooshinkan bilaawday noqon doonin mid halkan ku dhamaada ilaa sida ay hadalka u dhigeen uu madaxweynaha xilkiisa ku waayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in uu madaxweynuhu qeyb ka yahay sida uu hadalka u dhigay weerarka lagu soo qaaday Baarlamaanka Soomaaliya wax badanna ka ogyahay ciidamada la dul dhigay xarunta.

Laakiin dhinaca kale xildhibaannada Mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari ayaa wali ku adkeysanaya in mooshinkii taagan yahay lagana doodi doono.

Inkastoo kulanka maanta uu baaqday haddana lama oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono madaxweynaha oo hadda u muuqda in uu si toos ah u soo fara-galiyay xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan xildhibaannada Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/31/2018 12:03 PM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qaybta 52–aad Gen Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sheegay in ay ku dileen howl-galadii ka socday Gobolka Hiiraan ee soo bilowday 14-kii bishaan 120 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

3/31/2018 10:28 AM EST
Sabti, Maarso, 31,2018(HOL)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda Soomaaliya ku eedeeyey inay farogalin ku hayaan arrimaha Somaliland,isla markaana khalad iyo daandaansi ku tilmaamay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta.

3/31/2018 9:36 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) – Malala Yousafzai oo ah gabadha ugu da’da yar dunida ee heysata abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ayaa dib ugu laabatay deegaankii ay ku dhalatay ee dalka Paskistan markii ugu horeysay, tan iyo markii maleeshiyo ka tirsan kooxda Taliban ay dhaawaceen.

3/31/2018 8:31 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018(HOL)–Israsaaseyn khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababatay ayaa duhurnimadii maaanta ku dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya halka loo yaqaan Xerada 77 ee ku taala degmada Dayniile.

3/31/2018 3:18 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa.

3/31/2018 3:11 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) –Dadka reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya go’aankii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay kulankii maanta la filayay in ay yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka oo ahaa mid xasaasi ah oo dadka siweyn isha ugu wada hayeen.

3/31/2018 1:39 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Waxaa dib u bilaawday isku socodkii dadka iyo gadiidka qeybo ka mid ah jidadka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho, kaddib markii ay saakay bulshadu ku waabariisatay jidadka oo gabi ahaanba xiran.

3/31/2018 1:29 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ciidammada Israel ay dileen shan iyo toban qof oo dibadbax ka dhigayay xadka israel, halka kun qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi. Madaxweynaha Falastiniyiinta ayaa dowladda Israel ku edeeyay inay mas'uul ka yihiin dhimashada dadkani.

3/31/2018 12:38 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa labaduba ka hadlay xiisada siyaasadeed ka dhax-taagan xildhibaannada Golaha Shacabka.