4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 3 , 2018
Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay hadal ka soo baxay dawlada Soomaaliya

 

Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland C/raxmaan Guri barwaaqo, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo ka hor yimid heshiishka saddex geesoodka ah ee Somaliland, Itoobiya iyo DP Wolrd ee lagu maalgalinayo dekadda Berbera.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in markii heshiishkani dhacayey uu Ra’isal wasaaraha Soomaaliya uu joogay Imaaraadka Carabta,isla markaana uu caalamku ogyahay in Somaliland dib ugala soo noqotay midnimadii Soomaaliya ay la gashay lixdankii.

“ Soomaaliya waxay soo saartay war-saxaafadeed ay kaga soo horjeedo heshiishkii sadex geesoodka ahaa ee ay kala saxeexdeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya, waxaanu war-saxaafadeedkaasi ahaa mid is burinaya, waxaanu isku burinaya sida hoos ku cad, qodobka kuwaad waxa lagu sheegay in DP World iyo Itoobiya heshiish wada galeen, taasi oo dhabta aad uga fog, qodobka 2aad waxa lagu cadeeyey in Somaliland, Itoobiya iyo Dp World heshiish wada galeen, iyadoo markii hore is diidsiinayey inay xusaan jiritaanka darafka Somaliland, qodobka 3aad ayaandaro waxa ku cad inay is diidsiiyaan inaynu ahayn laba dal oo midoobay 1960-kii, kalana kala baxay 1991kii, taasi oo ah gef iyo gardaro badheedh ah, oo qaranka Somaliland lagula kacay”ayuu yidhi Guri Barwaaqo oo u jawaabayey Soomaaliya.

Waxaanu intaas ku daray “ Dastuurka ay sheegeena waa mid iyaga u gaar ah, sidaasi awgeed waxaanu madaxda dawladda Soomaaliya xasuusinayna in Somaliland leedahay dastuur, taas oo ay ku dhaqanto dadkeeduna u codeeyeen 97% .”

Wasiirku wuxuu sheegay in Dastuurka Somaliland u fasaxayo inay heshiish la gali karaan cidey doonaan, waxaanu sheegay in Soomaaliya ka hor timid heshiishkii Somaliland iyo SOomaaliya dhexmaray ee ahaa in aan la siyaasadeyn mashaariicda horumarineed ee labadda dhinac.

“madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxay bishii December, 2014-kii magaalda Jabuuti ku heshiiyeen in aan la siyaasadayn heshiishyada mashaariicda lagu horumarinayo gobolada Geeska Afrika, sidaa darteed heshiishkana maaha heshiish cusub ee waa dhamaystirka heshiishkii bishii August, 2016 ay Somaliland iyo shirkadda DP Wolrd wadda galeen ee Baarlamaankeenu ansixiyey.”ayuu yidhi

Wasiirku wuxuu tilmaamay in markii heshiishkan saddex geesoodka la saxeexayey uu magaaladda ku sugnaa Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo aan waxba laga waydiin, waxaanu yidhi “Inkastoo SOmaliland aan la aqoonsan hadana lama diidi karo xaqiiqada jirta ee ah in aduun weynuhu ka war qabo in dadweynaha reer Somaliland ay dawladnimadoodii la soo noqdeen, waxaana marag ugu fulan in Ra’isal wasaaraha Xasan KHayre oo jooga dalka Imaaraadka Carabta in heshiish dawladeed hortiisa lagula saxeexday Jamhuuriyada Somaliland.Inta uu riyada Soomaali weyn ka hadlayo waxa ka haboon inuu midooyo degmooyinka magaaladda Muqdisho ee aanu maamulin.”.

Sidoo kale,waxa iyaguna maanta ka hadlay Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanu sheegay inay khalad tahay in Arrimaha Somaliland uu ka hadlo,isla markaana aanay cidna ka ogolaan diinin in la hor istaago horumarinta Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.