4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 3 , 2018
Ku dhawaad 140 qof oo Kismaayo Imtixaan ugu galay Boosaska Shaqaale loo tababari doono maamulka hawada Dalka [Sawirro]


Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) -Dadkan maanta u fariistay Imtixaanka ayaa isugu jira rag iyo dumar, kuwaa oo u tartami doona boosaska shaqaale gaaraya 10 qof oo ay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya qorsheeyneyso in ay tababar ugu dirto dalka Turkiga si ay usoo qaataan tababarro ku saabsan duulista hawada.

Wasiirka wasaaradda duulista hawada Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Salaad (Oomaar), Mareeyaha Garoonka diyaaradaha Kismayo iyo xildhibaanno k atirsan dowladda dhexe ayaa kormeeray goobta imtixaanaadka looga qaadayay dadka soo codsaday boosaskaasi oo tiro ahaan gaarayay ilaa 138 qof.

Maxamed Nuur Saalax gudomiyaha gudiga shaqaalaha rayidka ee Jubbaland ayaa sheegay in dadkan maanta u fariisanayay imtixaanka ay soo codsadeen boosaskaasi, isagoo xusay in imtixaanka uu qaadayo gudiga shaqaalaha rayidka ah ee Jubbaland uu yahay mid lagu kala xulayo dadka tirada badan ee soo dalbaday shaqada, isagoo sheegay in la qaadan doono dadka kaalimaha hore ka gala imtixaanka.

Wasiirka duulista hawada Soomaaliya ayaa kusoo wareegay goobta imtixaanka looga qaadayay dadka soo dalbaday boosaskaasi.

Xiliban Farxiyo Xasan Axmed  oo ah gudomiye ku Xigeenka gudiga gaadiidka iyo duulista hawada ee Barlamanka Soomaliya iyo Xilibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo Madasha Ka Hadlay ayaa  wasaaradda duulista hawada Soomaaliya ku amaanay hannaanka ay kusoo xulaneeyso shaqaalaha, ayagoo sheegay in loo baahanyahay in bulshada fursad loo siiyo boosaska shaqo ee bannaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii December ee sanaddii tagtay kadib in ka badan 20 sano si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfurtay xarunta maamulka hawada Soomaaliya, ayadoo wixii xilligaa ka horeeyay hawada Soomaaliya laga maamuli jiray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
KIsmaayo-Soomaaliya.