4/13/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 3 , 2018
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo booqanaya dalalka deriska la ah Soomaaliya


 

Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) - Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa booqasho ku kala bixin doona dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, si uu u xoojiyo cilaaqaadka iyo iskaashiga Mareykanka la leeyahay Afrika.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in booqashadan ay bilaaban doono 6-13 March, iyadoo Rex Tillerson uu booqan doono dalalka Chad, Nigeria, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya inta u dhaxeysa.

Rex Tillerson ayaa la kulmi doona madaxda dalalka uu booqan doono, iyo sidoo kale Madaxda Midowga Afrika ee xaruntooda tahay Addis Ababa.

Waxaa uu kala hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin horumarinta nabadda iyo amniga, kor u qaadida dowlad wanaaga, ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale Madaxda dalalka deriska la ah Soomaaliya oo Mareykanka iskaashi dhow la leeyahay ayuu kala hadli doonaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Labo Sano ka hor ayay aheyd markii booqasho lama filaan ah uu ku yimid magaalada Muqdisho Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry, isagoo xilligaas booqanayay dalalka Geeska Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/3/2018 9:19 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland C/raxmaan Guri barwaaqo, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo ka hor yimid heshiishka saddex geesoodka ah ee Somaliland, Itoobiya iyo DP Wolrd ee lagu maalgalinayo dekadda Berbera.

3/3/2018 8:32 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) -Dadkan maanta u fariistay Imtixaanka ayaa isugu jira rag iyo dumar, kuwaa oo u tartami doona boosaska shaqaale gaaraya 10 qof oo ay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya qorsheeyneyso in ay tababar ugu dirto dalka Turkiga si ay usoo qaataan tababarro ku saabsan duulista hawada.

3/3/2018 4:06 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degmada.

3/3/2018 3:48 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)–Saraakiisha gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidamada Kenya in ay burburiyeen xaruntii Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase oo qiyaastii 60KM u jira degmada Ceelwaaq.

3/3/2018 3:08 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) -Tartankan oo ay iska kaashadeen wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland iyo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan badbaadada carruurta ee (Save The Children) ayaa waxaa ku loolamaya ilaa 14 Iskuul oo kamid ah iskuulaadka sare ee Kismaayo.

3/3/2018 12:59 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).

3/3/2018 12:49 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)-Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 5 Askari looga dilay weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

3/3/2018 12:38 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay dhowaan magaalada Muqdisho in ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo ammaanka lagu sugayo.

3/3/2018 12:27 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) - Shirka Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay 2-da Maarso 2018 magaalada Kampala ee Uganda, waxaana martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni.