4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 3 , 2018
Ciidamada dowladda oo howlgal ballaaran ka wada qeybo ka mid ah degmada Afgooye

 

Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degmada. 

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa Qarax khasaare geystay ku qaaday degmada Afgooye, gaar ahaan xarun dowladda Imaaraadka ay ciidamo ku tababarto.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka degmada Afgooye , madaama Al-Shabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khasaare kala geddisan.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii qarax ismiidaamin lagu weeraray Saldhig Imaaraadka ay ku tababaraan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]